Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Zurich Switzerland Oo Marti Galisay Bandhigga Buugta “Ileys” oo Lagu Qabtay Magaalada Zürich
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zürich ayaa si heer sare ah u martigelisay bandhig buugaag ubadka loogu talagalay oo la yiraahdo “Ileys”, kuna qoran af Soomaali. Buugaagtan waxaa magaalada Zürich ee dalka Switzerland keentay Marwo Nimco Noor, Oo ah Qoraaga Buugtan Kana timid dalka Finland, si ay caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ugu dhiirrigeliso akhriska iyo…