KULANKA TODOBAADKA EE JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA ZURICH
Zurich, 27ka Abriil 2025 – Qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Zurich ayaa soo booqday xafiiska Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zurich, halkaasoo ay madaxda jaaliyaddu ku soo dhaweeyeen. Kulankanka waxaa shir guddoomiyey Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zurich, Mudane Siciid Cali Xidig.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland iyo Austria, Mudane Mohamed Nur Amalow, Guddoomiye Ku-xigeenka Jaaliyadda Marwo Iqra Omar Hassan, iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan jaaliyadda.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Siciid Cali Xidig ayaa kulanka ka jeediyey hadal soo dhaweyn iyo dhiirigelin isugu jira, isaga oo si diirran u soo dhaweeyey haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Zurich. Waxa uu sidoo kale warbixin guud ka siiyey howlaha ballaaran ee jaaliyaddu u qabato bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Zurich, isagoo xusay in albaabada jaaliyaddu u furan yihiin dhammaan Soomaalida, isla markaana loo baahan yahay in si wadajir ah loo garab istaago dadaallada jaaliyadda.
Dhankiisa, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya, Mudane Mohamed Nur Amalow, ayaa bogaadiyey isku xirnaanta jaaliyadda iyo bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Zurich. Waxa uu carabka ku adkeeyey muhiimada ay leedahay wada shaqeynta joogtada ah ee u dhaxaysa jaaliyadda iyo safaaradda.

Gebogabadii, haweenkii madasha ka qeyb galay ayaa ballan qaaday inay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan jaaliyadda, iyaga oo si weyn u ammaanay shaqada qiimaha badan ee jaaliyaddu qabatay muddadii koobnayd ee ay jirtay.
Kulamadan weey sii socon doonaan, iyadoo jaaliyaddu ay la kulmi doonto qeybaha kale duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Zurich, si ay u xoojiso xiriirka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed ee halkan ku nool.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zurich
