Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Zurich Switzerland Oo Marti Galisay Bandhigga Buugta “Ileys” oo Lagu Qabtay Magaalada Zürich

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zürich ayaa si heer sare ah u martigelisay bandhig buugaag ubadka loogu talagalay oo la yiraahdo “Ileys”, kuna qoran af Soomaali.

Buugaagtan waxaa magaalada Zürich ee dalka Switzerland keentay Marwo Nimco Noor, Oo ah Qoraaga Buugtan Kana timid dalka Finland, si ay caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ugu dhiirrigeliso akhriska iyo korinta afkooda hooyo.

Bandhigga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay iyadoo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich, Mudane Siciid Xidig, xubno ka tirsan jaaliyadda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Zürich.

Kadib bandhigga, waxaa la qabtay casho sharaf lagu maamuusay Nimco Noor iyo dhammaan ka qeybgalayaashii, Taas Oo Jaaliyadu Agaasintay, iyadoo la muujiyay sida ay jaaliyaddu ugu faraxsan tahay dadaalka lagu horumarinayo caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha.

Bandhigan waxa uu xoojiyay dadaallada lagu ilaalinayo afka, dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed ee jiilka cusub ee qurbaha ku koraya.

Dhammaaad

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *