Kulanka gudiga Jaqaliyadd soomaaliyeed ee Gobalka Zürich

Salaan iyo Soo Dhaweyn kadib Kulankani waa kulankii ugu horeeyay ee Gudiga Jaaliyadda soomaaliyeed ( SVKZH)

Qodobada Kulanka:

  1. Qofkastaa inuu soo bandhigo waxa u qorsheysan sanadka soosocda:

Waxaa muhiim ah in qof walba oo ka tirsan gudiga svkzh uu soo bandhigo qorshe shaqo oo cad, oo ay ku jiraan hadafyada iyo hawlaha uu doonayo inuu qabto intii lagu jiro sanadka soo socda. wuxuuna ka mid noqon doonaa qorshaha guud ee Jaaliyadda SVKZH.

  1. Qorshaheena Sanadlaha ah:
  2. Diwaangelinta Jaaliyadda SVKZH

Waa inaan abuurnaa bogagga iyo qoraallada ku saabsan jaaliyadda si aan u faafino macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan hawlaha jaaliyadda iyo qorshayaasheeda.

*. Handle Register (Qoritaanka Calaamadda) Jaaliyada ay si sax u yeelaneyso oo ah SVKZH .

Waxaan u baahanahay inaan sameyno magacyo (SVKZH) gaar ah oo aan ku noqon karno shabakad ahaan, si bulshadeen soomaaliyeed ee gobalka zurich iyo aduunka oo idil si aan u xoojino xiriirka dadka kale ee la midka ah.

Waxaa muhiim ah in la qorsheeyo sidii loo heli lahaa meel caruurteena aan luqada iyo dhaqanka aan ku barno, meel dadka waa ween iyo dhalan yarada lay ku kulmaan ee magaaladatan.

Waxaan isla ogaan doonaa hawlaha iyo howsha muhiimka ah ee la qaban doono usbuucyada soo socda. Insha allah

waxaana la dejin doonaa yoolal iyo shaqooyin si loo hubiyo in guul laga gaaro.

*. Recht Schutz (Ilaalinta Xuquuqda)

Waa inaan hubinaa in jaaliyadda soomaaliyeed ee gobalka zürich ay si buuxda u raacdo dhammaan xeerarka dalka iyo shuruucda la xiriira xuquuqda hantida maskaxda, iyo ilaalinta macluumaadka shaqsiyeed ee xubnaha jaaliyadda. Waxaan sidoo kale ka shaqeyn doonaa sidii aan u heli lahayn talooyin sharci oo ku saabsan si loo ilaaliyo xuquuqda iyo sumcadda jaaliyadda soomaaliyeed.

Gunaanud Kulankan wuxuu ahaa mid muhiim ah, waxaana rajeynayaa in qorshayaasha aan ka wada hadalnay ay noqon doonaan kuwo wax ku ool ah.

Waxaan idin rajeynayaa shaqo wanaagsan iyo wadajir!

Mahadsanidiin.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *